Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

Taariikhda Fanaaniita Somaliyeed

BOGGA KOWAAD | BOGGA SAWIRADA | MAXAA CUSUB | NAGALA SOO XIRIIR | BUUGA MARTIDA | SAWIRADA 2AAD | SAWIRADA 3AAD | SAWIRADA 4AAD | SAWIRADA 5AAD | SAWIRADA 6AAD | SAWIRADA 7AAD | BOGGA ARAGTIDA | BOGGA ARAGTIDA | JACAYLKA | Realblog

Taariikda fanku waa wax aad u qoto dheer waxayna soo socotay sanaado badan  run ahaantiina waxay dhibta wayan ka taagan tahay wax qoray lam haya ilaa iyo hada.

Hadaba waxa yar aan ka taabano fanka bal siduu ku soo baxay iyo dadkan ayanu dhegaysano aslkii fanka meeshay ka soo bilaabeen.

Aniga ahan waxaan ka soo gaadhay oo fican Funka majiro maxaayeala waxan ka mid ahaa dhalin yaradii dhalatay xiligii civil warku bilabamay.
lakiin sidaas oo aay tahay hadna waxan uhaya fanka somalida xiiso aad u wayan oo marka layga sheekeeyo am aan dawado riwayadan waxan u arkaa in aay yihiin fananai iyo abaawaani aad iyo aad ugu fiican jilida lehna xigmad aad iyo aad u qaali ah. marka suaashan waxaan meesha dhigay suaashan saanad ki hore wax habayartee isku deyay na ma jiraan marka bal aan anigu isku dayo in aan qayb ka mid ah ka jawabo.

Nin kii ugu horeyey ee soo saara musig iyo hees wada socda wuxu ahaa nin ka magaciisa la oran jiray C/LAAHI QAARSHE
waa nina sameyey heesta caanka ah ee aan wada nawaan ee ku magaca dheer AQoon la aani waa iftiin lanaan.idan bay u qoran tahay.

aqoon la'aani
waa iftiin la'aan
waa aqal iyo
ilays la'aane

ogaada ogaada
skuulada ogaada
ogaada ogaada
walaalayaal ogaadaa

wuxuu dhashay sandkii 1920 gii wuxuuna geeriyooday sandku marku ahaa 1997 illhay ha u naxariisto isaga iyo wixii muslin ah o dhintayba.

kooxa soomaliya ee ugu caan sanaa xaga fanka markaan baadhay waxan soo ogaday in ay somaliya markii hore lahayd koobox badan sida kooxdii ciidanka xooga dalka oo ay ku jireen fanananta badan koodu waxaa jiray kooxdii raadiyo hargaysa waxaan iyo kooxdii raadiyo muqdisho
sanadku marku ahaa 1964 kii waxaa laysku daray kooxdii ciidanka dalka iyo kooxdii radiyaha waxaan lo bixiyey magaca caanka ah oo ilaa iyo maanta taagan inkasta oo aanu lahayn xoogu lahan jiray waa gii hore waa magaca layiraahdo WAABERI
kooxdan waxay si fican u soo shaqaysay ilaa iyo 1964 ilaa 1990 gii hadan way kala dadtay oo fananiti ku jiray midba meel bu ka dhacay mid la dilo mid is ka dhinta mid qurbaha soo galao oo naftiisa wax u raadsada waxa ku dhacday NIN QADHAAFSADA NIN QADA HALA KALA QAXO wixi kale ee aan idin dheerahay waa idiin soo sheegay aidinkun hada ku aragtana qalad intaad akhrisanaysan soo sax ama hadan wax qald ah ku daray ii soo sheeg. taaso waa inta aan ku furi karo Taarikhda fanka somaliyeed in aan idn sheego meesha uu ka yimid.  

"taariikh isma qariso hadan la qarinayan"

FANKU XAGUU KA BILAABMAY?

Waa suaal is waydiin mudan meesh aheesana iyo riwaydanah casriga ahi ka bilaabmeen aniga markana maskaxdayd aka shaqaysiyey oo ana isku beeg beegay waxaan ka bartay dadak xirfada uleh inkasto aan heli dad aad iyo aad ugu takhasusuay fanka waxaan dareemay fanka hada ana dhegaysanaa in uu ka bilabay meelo dadku sifiican u xiiseyan sada masxafyada oo labilabay in la soo bandhigo riwaydo si dadku u arkaan fanka cusub wuxuu yahay waxaan orankaraa xaga waqoyiga wuxu fanku ka bilabay oo dadka somalieed aad iyo aad u xiiseyeyn  ayan ka dhigiin wax mar walba la socoda noloshooda meeshii ugu horaysya ee u ka soobaxa way ahad magalda Hargaysa oo ahayd xilgaa magaladii labaad ee Somaliya waxay kooxdii ugu horaysya ka soo baxday Raadiyihii Hargaysa. wa akan ee firi sawirkiisa.

Halkaas baa dadka badan koodu ku soo caan baxay lama tirin karo dadkii ka bilabay fanka raadiyahaas hadan qof caan ah maanta faka ku dhifto waxaa weeyey Abwaanka wayne Ee Cabdulaahi Ciise Singib oo isagoo yar halkaa la bilbay. 

Fanku waa ala qaybsan waxa iyna jirtay markii danbe kooxdii ciidnaka xooga dalka iyo kooxdi kale ee raadiye muqdisho markaa fanku wuxuu si fiican u soo shaac baxay qarnigii saagl iyo tobnaad ilaa iyo 1990 buu si fiican u camalayanayey kadibna wuxu ku noqday sidii u ana jiray waayo waayo o ahayd in mar mar dhif ah la maqlo nin fanan ah oo heesay ama Riwaayda so obaxda . maxaa yeelay dadkii wadi jiray waxan waa dhinteen waxan waa u dhamtay oo wax ay mada dliyana bay wayeen oo dadki ba ka soo qaxay dhulkay deganyen .

Swirada Fananiinta Somaaliyeed

qarshe3

Abdillahi Qarshe was the father of Somali Music. He was a great poet and musician. He was the first Somali to introduce instrumental accompaniment, the Lute in particular, to urban and radio audiences.

waa kaa ninka music soomaligu ka yimid he is the founder of Somali music.

maxamed saleebaan Cabdi xasan digeCabdi jibaar

Omar Shariif                 Ahamed Naaji   Xasan Aadan                Cumar Dhuule  Mandeeq                       Cali sugale

Bagaag                          Ahmed Rabash

Kooshin                         Sanka

 Sahra Ahmed  Xaliima Shariif Khadra Daahir  A.Nuur Alaale

 Jeeri        IIdi

 Jooqle   Buunis  Omar yare

 Cabdi faraax kuus    mahad yare   

 C/alaahi boqol  winkeyn   Cali atoore

Dalays  Maryan Mursal  Faduma Qisim

 Saado Cali Nimco Jaamac2dhagax

  Shukri shacni    nakruuma Saynaba

Hibo    Haldhaa Luul jaylani

Sahra Daawo Sahro Sayid Deeqa

 Shukri f. sandiko   hibo  

Klatuun Xaliima Khaliif Magool

Mahad yare Awees KhamiisC. janaan

  Caruus  Salaad derbi Maki H> B

Cumar jabuuti Dowlo Sh> abuubakar

 Kinsi xaaji Aadna

Taawo
By n/a
Rating: 9 Votes: 1 (Rating Scale: 1 = worst, 10 = best)
Email this Article
Printable Version

Article Information
Hits: 1508
Added on: January 16 2003
Author: n/a
Posted by: admin
- New articles
- Popular articles
-
Top rated articles
-
Search articles
  
Results: 10  20  30
- Back to Article Categories
- Submit an Article
Marka hore Nabadi Guudkiin Dhamaan Xubnaha Golaha Suugaanta ee Hadraawi.Marka xiga ereybixintu waa tab afeed jira, maxaa se keena?-Waxaa keena baahi loo yeeshay in lagu sheego macne(Non-abstract meaning)ama micne(abstract meaning)jira oo lagu soo kordhinayo afka ereygu ka dhimanaaday.

Af-Soomaaliga oo ah af ka hanaqaaday xaga suugaanta ayaa misna ah af ka soo koraya xaga soobaanta(The language other than the literature).Kolol badan ayaad isu weydiinaysaa erey aad ku aragtay af kale waxa uu af-Soomaali ku noqonayo, lama waayo haddii tab loo leeyahay lana garanaayo tubaha ereybixinta ee af-Soomaaliga.Haddaba waxaan halkan ku soo bandhigayaa tubaha ereybixinta ee af-Soomaaliga:

1-DOOYEYSI:Tubta 1-aad;waxa la dooyeystaa erey afka ku sii jiray oo lahaa macne hore -si macne labaad oo uu yeesho loogu qabatimo.Tusaale:

-GUJISKA BADA; ereyga gujis marka hore waa bahal ka mida bahlaha miyiga ku nool,hasehaatee waxa macne labaad loogu dooyeystay si uu ugadhignaado ereyga SUBMARINE oo ah macne nagu soo kordhay.Tubtan koowaad marka marka ereybixin lagu hidinayo waxay qofka uga baahan tahay inuu ereyada af Soomaaliga hodan ka noqdo,si uu ugu soo helo ereyga ku soo kordha ereyga u dhigmaya.Tusaalayaal ereybixineed oo sidaas oo kale ah waa kuwan:

-Theme=Dabuub -Term=Tiraab -Phrase=Tibaax -Email/Mail/Post=Dhambaal -Dialect=Laqan -Bank Account=Qandi -Bank=Deni -Instrument=Daab -Bachelor=Yood -Master=Yahan -B.A.=Taawo-Yood -B.Sc.=Kasmo-Yood -M.A.=Taawo-Yahan -M.Sc.=Kasmo-Yahan Haddii tubta koowaad lagu hidin kari waayo ereybixinta waxa loo dhurtaa tubta labaad oo ah sidatan.

2-LADHKAB:Tubta 2-aad ee ereybixinta waxaa la isku ladhkabaa laba erey oo ku jiray afka oo kala lahaa laba macne,si ay u soo ifbixiyaan macnaha cusub ee markaas la maaganaaday.Tusaalayaal:

-Bir+Lab=BIRLAB=Magnet -War+Faafin=WARFAAFIN=Broadcasting -War+Baahin=WARBAAHIN=Mass-Media -War+Geys=WARGEYS=Newspaper -War+Baan=WARBAAN=Sentence -Biiraa+Leh=BIIRAALE=Magazine -Qor+Ool=QOROOL=Library -Mash+Dhac=MASHDHAC=Music -Beeg+Qaab=BEEQAAB=Format -Or+Og=OROG=Colloquial -Gar+Eef=GAREEF=Grammar -Hal+Ged=HALGED=Subject

Sidoo kale haddii erey lagu hidin kari waayo tubta koowaad iyo ta labaad waxaa loo gudbaa tubta kale ee jirta sida tubta seddexaad.

3-NUDUBSI:Tubta 3-aad ee ereybixinta waxa la adeegsadaa nudubada afka(The Prefixes and Suffixes).Erey jira oo macne la yaqaan leh ayaa macne kale oo ay is-xigaan ka soo baxayaa marka lagu nudbo nudubada jira.Qofka tubtan yaqaanaa waxa uu astaan u yahay af-aqoodnimo(Is a Linguist)maxaa yeelay waa tubta ugu adag ee erey lagu soo bixitimiyo iyadoo Erey lagu hordarayo ama dibkarayo nudub,ereyga markaas la bixitimiyaa waa inuu yeeshaa beeqaab jira.Tusaalayaal:

-Qor+Aal=QORAAL=A Book/A Writ -Cur+Is=CURIS=Composition -Gur+Aab=GURAAB=Slang -Tub+Aab=TUBAAB=Mathematics[Waxay isku beeqaab(FORMAT)yihiin Hiraab,Tiraab] -Dal+Ti=DALTI=Nationalist[Waxay isku beeqaab yihiin Murti,Marti] -Odh+Ni=ODHNI=Oral[Waxay isku beeqaab yihiin Shacni] -Qor+Ni=QORNI=Written -Tal+Ni=TALNI=Government -Cur+Iye=CURIYE=Element

4-SOOGAABSI(Abbreviation):Tubta 4-aad ee ereybixinta waxa min erey laga soo qaataa ereyada waxa sheegani ka kooban yihiin habkaas oo keena erey cusub.Tusaale: -Aqoonsi Haybeed-Waxa laga soo qaadanayaa A iyo H, oo isku noqonaya AH.Waxa hadalka la dhahayaa AH-diisa ama AH-deeda.(Show me your ID!)=(I tus AH-daada!)-waxa sidaas oo kale ah ereyga Ingiriisiga ah ee AIDS oo ka kooban afar tibxood oo laga soogaabshay afar erey.

Sidaas iyo Nabad Seid Abdi

Comments: 1 Comment(s)

By Aftahan
January 25 2005
Curin dhab ah iyo tilmaam ku dayosho leh

Cadowga af Soomaaliga.

Waa wax aad loola yaabo in ay jiraan dad ka xun in afkooda far lagu qoro loo sameeyey. Marar badan baan dad kala duwan ka maqlay qorista af soomaaliga in la eeday. Waxaa lagu andacoodaa in ay taasi tayada waxbarashada hoos u dhigtay. ”Bal isu fiiri dadkii afafka qalaad wax ku bartay iyo kuwa af soomaaliga wax ku bartay sida ay u kala tayo sarreeyaan. Bal arag ardaydii af soomaaliga dugsiyada sare kaga soo baxday oo markii ay qurbaha yimaadeen tacliinta dunida la qabsan kari waayey.” Waxaas iyo wax la mid ah ayaa la daliishaddaa.

Arrintaas ayaan halkan kaga hadli doonaa. Laakiin horta waxaaba ceeb ah in dood la geliyo qorista, adeegsiga, horumarinta, dhawrista iyo ku faanidda af loo dhashay. Taa beddelkeedu waa adeegsi iyo weynayn af cid kale, waxaana ku sii hoos jirta in waxa la yahay iyo waxa la leh yahay la yasayo.

Xilligii gumaysiga iyo sagaalkii sano ee ka dambeeyey dugsiyada iyo barayaashuba aad ayey u koobnaayeen. Taasi waxay keentay dadka waxbarasho helaa in ay yaraadaan. Waana la og yahay in haddii tirada ardayda dugsi iyo fasal dhigataa yaraato tayada aqoontu in ay kacdo. Isla markaa baahi weyn oo dad tacliin leh loo qabay ayaa keentay qofkii dugsi ka baxaaba in uu shaqo helo magacna yeesho. Waxay ku dhex noolaayeen bulsho jaahilad ah, oo xataa warqadda la isu dirayo qoristeeda iyaga lacag lagu siiyo. Sidaas oo ay tahay haddana waa hubaal dadkaas aqoontoodu in ay liidatey, waayo waxay baran jireen manhaj qalaad oo shisheeye soo dhoobdhoobay ama dadkiisa u dejiyey. Isla markaa wax qiimo leh oo la akhristo dalka lagama heli jirin, buug iyo wargeys toona.

Laga soo bilaabo markii af soomaaliga la qoray waxaa si aad ah oo xawli leh kor u kacay dugsiyada, barayaasha iyo ardayda intaba. Waxbarashada heer walba waxaa laga dhigay bilaash, oo weliba waa la dhiirri geliyey. Taasi waxay ahaan lahayd guul iyo horumar, waxayse u dhacday si degdeg ah oo nadaam xumo abuurtay. Isla markaas ayey bulsho aad u badani miyiga ka soo guurtay oo magaalooyinka soo gashay. Dabadeed barayaashii iyo dugsiyadii la badiyey waxaa aad uga sii batay ardayda. Fasal keliya ayey lixdan ilaa toddobaatan arday macallin keliya oo aanay mushaharadu ku filnayn hor fadhiisan jireen. Halkaas ayey tayoxumadu ka bilaabatay.

Markii dambena hoos u dhaca waxbarashadu wuxuu qayb ka ahaa burburkii guud ee maamulka iyo nadaamka dawladnimada ku habsaday. Waxay ahayd dadkii shaqadaas ku habboonaa, maamul iyo macallinba, oo nolol xumo iyo caddaalad darro dartood dalka ka yaacay, dabadeed kuwo aan waxba ahayn lagu beddelay. Waxay ahayd sharciga oo laga wada tallaabsaday iyo wax kasta oo haybad lahaa oo la qiimo tiray. Waxay ahayd ardaygii dugsiga ku jiray oo ay niyadjab iyo hiraal la’aani ku dhaceen ka dib markii uu arkay kii ka horreeyey oo suuqa ku kabo la. Ardaygaas oo dabadeed derbiga sigaar la fadhiistay, imtixaanka iyo shahaadadana laaluush iyo indhogarad ku helay. Sidaas ayey runtu ahayd, eeddana af soomaaligu ma leh.

Taas waxaa u marag ah, anigu waxaan ka soo baxay dugsi carabi ah oo ay afka wax lagu dhigto iyo barayaashuba carab yihiin. Haddana basar xumada iyo fawdada kama uu duwanayn dugsiyada kale. Laaluushka, qishka, eexda, awood-sheegadka iyo danayn la’aanta wuxuu kala mid ahaa dalka intiisa kale. Markaa miyey tahay in af soomaaliga la eersado?

Waa gar af muddo gaaban qornaa, oo ay aqoonta ku daabacani aad u kooban tahay, qoraallada lagu heli karaa in ay xaddidmayaan, taasina ay hoos u dhigayso akhriska iyo aqoonta guud ee bulshada. Laakiin yaa diiday in af kale la barto? Waxaynu og nahay labada maaddo ee carabiga iyo diintu in ay la bilaaban jireen fasalka koowaad, lana socon jireen ilaa fasalka u dambeeya dugsiga sare. Waxaynu kale oo og nahay afarta sano ee dugsiga sare af ingiriisku in uu ka mid ahaa maaddooyinka asaasiga ah. Intaa waxaa dheeraa dugsiyadii gaarka ahaa ee afkii la doonaba lagu baran jiray. Markaa ingiriisida iyo carabida loo ooyayo yaa isu diidi jiray, maa la barto?

Arrinta kale ee nacaybka af soomaaliga qiilka looga dhigtaa waa in aanay ereyo badan oo cilmi ahi ku jirin. Taasi waa miskiinnimo. Ma jiro af ereryada cilmiga ah ku dhashay ee mid walba waa lagu daray (af kale ayaa laga soo qaatay ama ereybixin ayaa lagu sameeyey). Af soomaaligana isla markii la qoray halyeeyo maskax furan ayaa u kacay oo manhajka waxbarashada ereyada cilmiga ah oo dhan inaga haqab tiray. Taasi fahamka oo keliya ma ay fududayn ee af soomaaligana waxtar iyo hodantinimo ayey u ahayd.

Waxaa dhinnayd oo keliya in qoraallo badan oo nooc walba leh bulshada lagu qarqiyo ee aan waxbarashada tooska ah uun lagu koobnaan. Taasina waa ay iman lahayd. Waxaan hubaa ka shaqaynta iyo ku shaqaynta af soomaaligu sidii ay ku bilaabatay haddii ilaa maanta lagu wadi lahaa in aan haba yaraatee af kale loo baahdeen.

Sidii aan maqaal hore ku xusay, falalka iyo doodaha af soomaaliga lagu dhabar jebinayo dadka hormuudka ka ahi waa kuwo carabnimo lagu ibtileeyey oo af carbeedka u weel bannaynaya. Ceebta iyo cayda ay intaa af soomaaliga la daba taagan yihiin waxay uga dan leh yihiin in ay dadka nacsiiyaan si uu u dhinto oo af carbeedku meeshiisa u galo. Diintu waa mid ka mid ah arrimo dhawr ah oo ay cadowgu ku soo dhuuntaan. Waxay kale oo ku soo dhuuntaan soomaalidu in ay carab tahay, sidaa darteed aanay qalad ahayn in soomaaliga la iskaga tago oo carabida la qaato.

Laakiin horta, sideedaba, ma khasab baa ummad kasta oo muslin ahi in ay carabowdo? Labadan arrimood maxaa la isu daba wadaa? Baakistaan, Maleesiya, Bangaaladhesh, Indooniisiya iyo dalalka islaamka oo dhan ma jiraa mid keliya oo af carbeedka ka dhigtay af qaran ama mid waxbarasho? Marka carabnimada diin loo cuskanayo carab oo dhami ma muslin baa, muslin oo dhamise ma carab baa? Haddiise carabta qarniyo dhawr ah xiriir ganacsi lala lahaa in la caraboobaa ma khasab baa? Ereyada diinta soo raacay ama si kale inagu soo galay ma carab ayey inaga dhigayaan? Af soomaaligu haddii uu afaf kale ereyo badan ka soo amaahday ma liidnimadiisa ayey caddayn u tahay? Af iswiidhishkan aan ku dhaqmo intiisa badani waa jarmal, ingiriisi, faransiis iyo laatiin. Waxaana ku hadla dad ka yar inta af soomaaliga ku hadasha. Haddana waa af dadkiisa si walba ugu filan oo ay ku faanaan. Haddaba af soomaaligu muxuu galabsaday?

Ta carabnimada, run ahaantii lama hayo caddayn taariikheed oo sheegaysa in ay soomaalidu, xataa asal fog, carab ka soo jeeddo. Isku day quus ah taas waxaa loo daliishadaa dadka soomaalidu in ay ka muuq duwan yihiin afrikaanka kale. Laakiin run ma aha. Dunida dadka soomaalida ugu af, dhaqan iyo muuq dhowi waa afrikaan. Waxaa la hubaa soomaalida iyo afkeeduba in ay la hayb yihiin faraacinadii hore, oromo, cafar iyo ummado kale oo wada afrikaan ah, taariikh aad u fogna ku leh waqooyibari Afrika.

Isku dhejinta carabta iyo af carbeedku wax kale ma aha ee waa mushkilad nafsadeed oo dadka soomaalida weligood dhalashada ka haysatey. Weligeed waxay jahowareer iyo dhibaato ka taagnayd in la caddeeyo abtirsiga iyo haybta soomaali laga sii yahay, waayo dabci ahaan waxaynu nahay dad aan abtirsi- iyo hayb la’aan joogi karin. Qaadanwaa ayeyna noqotay in la sheegto afrikaan ilbaxnimo ahaan dambeeya isla markaa cadow loo arko. Dabadeed waxaa hoosta laga galay carabtii Nebigu ka dhashay ee diinta iyo xadaaradda sare lahayd. Waana dabiici ummad waliba ta ka ilbaxsan in ay qaddariso ta ka dambaysana xaqirto. Waa taa sababta ilaa maanta awoowyada lagu abtirsado carab loogu sheego, iyada oo aan marag taariikheed loo hayn.

Dhanka kalena markii aynu diinta islaamka qaadannay innaga oo iska tabar daran ayey quwad kiristaan ah oo xoog lihi dhanka galbeed deris inagala ahayd. Waa Boqortooyada Xabashida ee weligeed inaga abaabulka fiicnayd, joogtana u helaysey taageerada Yurub. Waxaa kale oo cadow inoo ahaa dadka gaalla (oromo) kuwaas oo aynu isku dad iyo isku diin ahayn, laakiin iyagu ku sii hadhay diintii hore ee waaqato. Haddaba dadaalka ilaa maanta taxan ee carabnimada loogu gurguuranayo af soomaaligana lagu gumaynayaa waa guntin ka mid ah silsilad dheer oo weligeed soo jiitamaysey. Waa isku kalsoonixumo iyo baqdin magangelyo lagu raadinayo.

Weerarka joogtada ah ee af soomaaliga lagu hayo kii u dambeeyey waxaa soo qaaday Claahi Cali C. “Xanaf” oo Suudaan ka soo qoray maqaal uu cinwaan uga dhigay ”Qoristii afka soomaaliga horumar miyey ahayd mise dib u dhac?” Marka uu leh yahay:

“…Raadkii gumaystuhu uga tagay Soomaaliya ka sokow lagama harin ee waxaa la isku dayey in meel cidla ah la soo taago.”

Kama hadlayo soomaalida in Afrikada ay tahay laga go’doomiyey, ee wuxuu ka gubanayaa wax uu u arko ”carab ka fogayn”. Soddon sano ayeyse soomaalidu afrikaanka kale ka takoornayd, Jaamacadda Carabtana xubin buuxda ka ahayd, ee maxaa laga dheefay? Miyaad ka heshay aayo aan ahayn in ay adhiga kaa iibsan waayeen, iyo in ay kuu arkaan ”zinj” xun oo marka ay u baahdaan xuquuq la’aan ugu adeega?

Burburka laxaadka leh iyo dibudhaca dadka soomaalida haystaa ma aha wax la qaadan karo. Dabadeed wax kasta oo taas sababteeda lagu qeexi karo ayaa la raadiyaa. Dadaalkaasi wuxuu gaadhay in xataa guulihii hore loo xaqiijiyey oo dhan la nacdalo oo sababihii burburka lagu daro. Haddaba carab jacaylka ka sokow halkaas ayey aragtida Cabdilaahi Cali Cabdi ku sal leh dahay. Wuxuu rumaysan yahay qorista af soomaaligu in ay ahayd mu’aamarad laga soo shaqeeyey oo la inagu dullaynayey. Si niyadxumo leh ayuu ugu ashkatoonayaa:

”Tallaabooyinka la qaaday waxaa ka mid ahayd fikirkii qorista far soomaalida oo looga dan lahaa in soomaalida laga reebo caalamka horumaray iyadoo la adeegsanayo rag lagu sheegay inay ahaayeen aqoon yahanno soomaaliyeed.”

Anigu waxaan hubaa haddii aan af soomaaliga la qori lahayn eedda maanta waxaa la saari lahaa qoris la’aantiisa iyo adeegsiga afafka shisheeyaha.

Soomaalida reer galbeedka u soo qaxday in ay dhibaato aqoondarro oo ta qaxootiga kale ka weyn la kulmeen anigu Cabdillaahi kuma raacsani. Isla markaa carabta uu u hamranayaa waxay ka mid yihiin dadka ugu liita marka ay noqoto la qabsashada tacliinta reer galbeedka, afkooda oo xuruuf u gaar ah ku qoran darteed. Marka barashada afafka Yurub la isugu yimaado ardayga soomaaliga ahi lama kulmo hawsha ay carabka, iiraaniga iyo qawmiyado kale la kulmaan, kuwaas oo ku daaha barashada xarfaha laatiinka ee aynu innagu soomaaliga ku barannay.

Cabdillaahi isaga oo denbiyada uu af soomaaligu galay sii tirinaya wuxuu qoray danta Laanta Soomaaliga ee BBC-da laga lahaa in ay ahayd oo keliya:

”In soomaalida looga jaro Dunida Carabta ee kale oo ay ka mid ahayd dhan walba.”

Iskuma diiddanin Ingiriisku markii uu bilaabay Laanta af Soomaaliga ee BBC-da in uu siyaasad ku fushanayey. Laakiin ujeeddada Cabdillaahi taa ma aha ee waa af soomaaliga oo uu sidiisaba adeegsi u diiddan yahay. Wuxuu ku dooday in aan Laanta af Soomaaliga loo baahnayn mar haddii ay dadka wax bartay awelba af ingiriisi iyo carabi ku dhegaysan jireen. Oo in af qalaad lagu dhegaystaa haddii ay bannaan tahay maxaa xumeeyey in afkii loo dhashay lagu dhegeysto? Haddiise ay dad tiro yari carabi iyo ingiriisi ku dhegaysan jireen maxaa qalad ka dhigay in ay malyuumaad kale oo aan labadaas af aqooni afkooda ku dhegystaan? Runtii ujeeddada uu Cabdillaahi arrintaas ka lahaa sinaba uma aan fahmin. Waxay u eg tahay in uu af soomaaliga buufis ka qabo oo si walba ula dagaallamayo.

Waa yaab Cabdillaahi in uu yidhi ”Dunida Carabta oo ay ka mid tahay dhan walba!” Sidee ayeynu uga mid nahay? Cilmi ahaan ”qawmiyad” waxaa loo yaqaan dad wadaaga saqaafad (dhaqanaqoon) taas oo afku asaas u yahay. Laba bulsho isku qawmiyad ma aha haddii ay kala af yihiin wax kasta oo kaleba ha wadaageene. Haddaba malaha taas ayuu og yahay marka uu rabo in af soomaaliga laga takhalluso, kana xun yahay waxtar kasta oo af soomaaliga loo qabtay. Bal akhri aragtidiisa taas ku saabsan:

“Halkii ololihii af soomaaliga looga sameeyey waxay ahayd in carabida loo sameeyo, waayo hadda oo kale soomaalidu waxay ahaan lahaayeen kuwo taqaafo (dhaqanaqoon) ahaan horumarsan.”

Halkaa waxaa ku jirta weydiin muhiim ah: Waa maxay “taqaafada” macnaha leh ee ay carabtu maanta haystaan? Sow ma aha kuwan aan habeen iyo maalin waxa ay qoraan akhriyo, ee ay baroortu ka dhammaatay? Sow ma aha kuwan ku tashanaya si ay dunida ula qabsadaan in ay xuruufta carabida iskaga tagaan oo laatiinka qaataan? Sow ma aha kuwan isku boorrinaya in ay reer galbeedka ku daydaan si ay u badbaadaan?

Haddii ay sidaas tahay, intii aan carab cid kale daba socda daba geli lahaa, aniguba cidda aan dan moodo maan iskay u daba galo?

Ibraahin Yuusuf Axmed
Hawd99@hotmail.com

 Luqaddii Ilaahay

Ibraahin Yuusuf Axmed
Hawd99@hotmail.com

Beri baan nin soomaaliyeed oo igu cusbaa la sheekaystay. Cabbaar ka dib waxaan weydiiyey bal in uu yaqaan soomaali kale oo aan isagana markaa ka hor dal kale ku bartay. Haa, ninkaas waan aqaan, ayuu iigu jawaabey. Runtii labada nin isuma ay egayn isku degaanna kama ay iman, waxa keliya ee ka dhexeeyeyna waa in ay beri markaa aad uga horreeyey isyaqaanneen. In ay isyaqaanneen sida aan ku gartay waa iyaga oo aad isugu hadal egaa. Labadooda ka dambe, oo ahaa ka da yar, marka uu hadlayo ereyada uu adeegsado iyo guud ahaan sida uu u dhaqmaa waxay ahayd sidii ka hore oo tabtii ah. Labada ka hore ayaa da weynaa, ilbaxsanaa oo tacliin sarreeyey. Dabadeed ka yari dhaqanka, gaar ahaan hadalka, ayuu kaga dayday.

Beri dambe ayaan ogaadey bulshooyinkuna in ay shakhsiyaadka la mid yihiin oo ay midiba ta ka horraysa ku dayato. Tusaale ahaan maanta dunidu dhaqanka guud dadka maraykanka ayey kaga dayataa, haddii ay noqoto maamulka hawlaha, dharxidhashada, muusigga, timojarashada, sida loo socdo, sida loo hadlo i w m. Sidaas oo kale afka ay bulshada ilbaxa ahi ku hadasho bulshooyinka kale oo dhami waa ay bartaan. Carabigu mar buu ahaa afka ilbaxnimada iyo cilmiga oo barashadiisa qaarad walba looga iman jirey. Laatiinka iyo faransiiskuna mar bay halkaas oo kale gaadheen. Casriganina waa kii af ingiriisida.

Xumaan iyo samaanba dadku weligii joogto ayuu isu saamaynayey weligiina isu saamayn doonaa. Taasi siyaalo badan ayey ku fushaa, laakiin aaladda ugu muhiimsani waa luqadda. Barashada af qalaad, siiba mid xaddaarad leh, waa dan aad u weyn, waayo aqoonta iyo waayo-aragnimada afkaas ku jira ayaa laga dhaansadaa. Waxaanse marnaba bannaanayn oo liidnimo ah in ay ummadi afkeeda mid kale uga tagto, ogaan iyo ogaan la’aanba. Waxaa dadnimoxumo ah in uu qof weyni marka uu hadlayo ama wax qorayo dadka afka la wadaaga af kale wax ugu gudbiyo, ama sidii ilmo afbarad ah luqaddiisa mid kale ku walaaqo. Maanta soomaali badan ayaa marka ay hadlayaan ama wax qorayaan aan kala sooci aqoon soomaaliga iyo af kale oo ay wax ka yaqaannaan. Laba waran oo kala ah carabi iyo ingiriisi ayaa af soomaaliga labada sambab ka taagan. Carabida waxaa laga dugsanayaa diin, ingiriisidana ilbaxnimo. Xaqiiqadaas ayuu qoraalkani ka duulayaa.

Waxaa jira kuwo wadaaddo u badan oo af carbeedka u qiiraysan, oo malaha rumaysan afkaasi in uu kooda ka barako badan yahay. Malaha waxay moodayaan ereygii carabi ah ee afkooda ka soo baxaba in Ilaahay ajar uga qorayo. Bal u fiirso marka ay dadkooda la hadlayaan sida ay carabida ugu dhiiqoonayaan. Bal u fiirso waxa ay hadal, maanso, maahmaah iyo sheeko carbeed halaloobinayaan, dabadeed sidii aayad Qur’aan ah erey erey u fasirayaan. Taas waxaa ka daran marar badan ayey fekerkooda horta af carbeed soo mariyaan ka dib soomaali u rogaan. Sidaas waxaa macnodarro ugu luma waqti iyo faham badan. Runtii marka ay dadkooda la hadlayaan maba mooddid in ay af soomaali ku hadlayaan, oo qofka aan carabida aqooni wax yar buu ka fahmaa. Mid kuwaas ka mid ah oo aanu mar doodnay wuxuu ii qirtay af soomaaliga inta uu ka yaqaan haddii uu carabi ku beddelan karo in uu ku beddelan lahaa.

Waxaa jira kuwo damiin ah oo aqoon yar, kuwaas oo dhibaato ku qaba kala saaridda af carbeedka iyo diinta. Waxay moodayaan haddii aanay carabi badan ku hadlin in ay diinta dayaceen, ama af soomaaligu in uu diinta ka hoosaasinayo. Kuwaasi waa kooxda ugu doqonsan dadka badan ee af soomaaliga dhabarka ka jebinaya. Waayo waxaa jira dad dhab ahaan la soo abaabulay oo awood laga dambeeyo ku hawlgala mushaharna lagu siiyo.

U dullaynta af soomaaliga af carbeedka waxaa ka dambeeya saddex danood oo kala ah:

1) In la moodayo af carbeedku in uu af soomaaliga ka qiimo sarreeyo. Wadaaddo badan oo daacad ah ayey la tahay carabidu iyaga iyo dadkoodaba in ay soomaaliga uga roon tahay. Waa dad maskaxda laga haysto oo u baahan wacyigelin iyo baraarujin.

2) Qorshe ah in af soomaaliga, sidiisaba, laga takhalluso oo af carbeed lagu dooriyo. Hawshaa waxaa soo abaabula Jaamacadda Carabta hay’adaheeda dhaqanka, waxaana u fuliya dad soomaaliyeed oo inta badan calan diineed ruxaya. Taasi waa damac qowmiyadnimada carbeed lagu durkinayo, laguna meelmarinayo heshiiskii rakhiiska ahaa ee Ina Carte Qaalib iyo Ina Siyaad Barre mugdiga lagaga saxiixday.

3) Meelmarsi dan ganacsi iyo suuqgeyn badeeco. Markii ay labada kooxood ee kor ku xusani dadkooda carabida u dulleeyeen, ee diin uga dhigeen ama siyaasad ku fushadeen, ayey ganacsataduna bilawday in ay bulshada carabida loo nugleeyey lacag kaga samaysato.

Sida hantigoosiga maaddiga ah lagu yaqaan, ganacsatada danaysatada ahi si ay jeebka dadka u gasho horta waa in ay dareenka ka gashaa. Dabadeed waxaa la ogaadey in dareenka qofka soomaaliyeed maanta u nugul yahay ereyada carabida iyo diinta u dhow, gaar ahaan kuwa khayrka ku bishaaraynaya. Bal u fiirso waxa erey carabi ah, oo inta badan ”al” laga bilaabay sida sac hebed ah dadka soomaalida maanta lagu maalo. Tusaalahaas waxaa ka mid ah: al-Hudaa, ar-Raxmah, al-Itixaad, al-Bishaara, an-Nuur, al-Furqaan, at-Taqwaa, al-Ammaan, al-Islaax, al-Carafaat, al-Amal, al-Xaq, ash-Shifaa, al-Bushraa i w m.

Doqonnimada noocaas ah waxaa kale oo ka mid ah magacyada dugsiyada sida: Madrasada Aflax iyo Madrasada Najax. Qaar kale waxaa loogu magacdaray shakhsiyaad carbeed oo loogu gabbaday in ay diinta sumcad ku lahaayeen. Oo markaa dadka soomaaliyeed ee dunida iyo diintaba sumcadda ku leh ilaalinta magacooda yaa u miciin ah?

Waxaa iyaguna jira dad mas’uul sheeganaya oo haddana afkooda afaf qalaad kula kacaakufa. Tusaale ahaan haddii uu dadweynuhu maqlo ”Saaxada siyaasadeed” boqolkiiba imisa qof ayaa fahmi kara ereyga ”saaxa”? Waa erey-saxaafadeed carbeed oo meelahaas laga soo helay. Waxaa si doqonnimo ah loo adeegsadaa ereyo ay ka mid yihiin ”wasiir khaaraji”, ”wasiir daakhili”, ”ra’iisal barlamaan”, ”wasiir difaac” i w m.

In erey qalaad oo mid soomaali ah lagu bahdilay la macmacaansado waxaa ka sii liidata in ereygaas qalaad si qaldan loogu dhaqmo. Tusaalahaas oo aad u badan waxaa ka mid ah ”Hay’adaha dawliga ah”. Carabi ahaan ereygu wuxuu ahaa ”duwali” oo ah wax caalami ah. Laakiin waxaa la moodey in uu ka yimid ”dawlad”, Dabadeed waxaa meel walba lala taagan yahay ”hay’adaha dawliga ah” oo laga wado ”hay’adaha qaranka”.

Carabidu waa afkii diinta, ayaa lagu doodaa. Laakiin haddii ay carabidu diinta wax tarayso maxaynu habeen iyo maalin u aragnaa carab aan wax uu ku tukado iyo si uu u tukado aqoon? Carab badan maxay qaadanwaa ugu noqotaa marka ay arkaan soomaali aan carabi aqoon oo haddana Qur’aanka xafidsan diintana aqoon sare u leh? Dhanka kalena carabku wuu ku qoslaa marka uu arko soomaali Qur’aanka xafidsan haddana aan aayad keliya ka fahmi karin. Diinta iyo luqaddu waa laba wax oo isa saameeya laakiin kala duwan. Haddaba si ay barashada diintu u fududaato maxaa diidaya in af soomaali loo soo raro, sida imikaba la bilaabay? Taasi fahamkeeda oo keliya ma ay sahasheen ee af soomaaliga qudhiisa ayey awood xaddaaradeed siin lahayd.

Talada ku saabsan soomaaliyeynta diintu weligeed waa ay soo jirtey. Ugu yaraan waxaynu hubnaa in ay soo taxnayd ilaa maalintii uu Sheekh Yuusuf Kowneyn higgaadda carabida soomaaliyeeyey. Culimo badan baa xilliyo kala duwan maanso af soomaali ah ku koobtay sifooyinka Eebbe, siirada Nebiga, tiirarka Islaamka, tilmaamidda labada waddo ee jannada iyo cadaabta lagu tago i w m. Sida aynu garan karno dadkaa dadaalka badan waxaa ka hor timid dhibaato ah af soomaaliga oo aan qornayn, taas oo ka joojisay in ay hawshaa sii wadaan. Mar walbana waxaa jirey fikrado dibusocod ah oo fekerkaa firfircoon ka soo hor jeedey. Xataa siddeetanaadkii dhowaa ee qarnigii tegey, markii ugu horraysey ee qayb Qur’aanka ka mid ah fasir af soomaali ah buug lagu soo bandhigay, dad badan baa argagaxay oo moodey in macsi la galay. Tobaneeyo sano oo kale ayey qaadatay in aynu aragno Qur’aanka Kariimka ah oo af soomaali ku abyan. Mar kale ayey maskaxdii dibusocodka ahayd qaylo cirka ku shareertay, iyada oo ku andacoonaysa in sidaas macno badani Qur’aanka kaga lumayo, isla markaa ay soomaalidu barashada carabida ka jeesanayaan. Labadaas eedood waxaa ka dhalanaya laba weydiinood: 1) Muxuu macno badani Qur’aanka uga lumayaa, af soomaaligu sow ma aha af nool oo wax lagu tarjumi karo laguna fahmi karo? 2) Ka jeesashada carabidu maxay qalad u tahay haddiiba laga maarmo? Waxaa xaqiiqo ah cidda sidaas u doodaysaa in aanay Qur’aanka, af soomaaliga iyo soomaalida toona dan ka lehayn, ee ay sababihii hore dartood carabida uun u danaynayso.

Tarjumidda Qur’aanka waxaa raacay tarjumaado kale oo diinta ah. Dhammaantood in kasta oo ay qaladdaad farsamo iyo luqadeed oo aad u badani ku jiraan haddana waa bilaw guul leh oo horumar laga filan karo. Laakiin xataa haddii mas’alada diinta laga tago, carabigu waa af leh xaddaarad culus oo ay ku qoran tahay aqoon aan xaddi lahayni. Haddaba kuwa carabida lagu ibtileeyey maxaa u diiday in ay taa wax ka soo tarjumaan? Galoofnimadooda taas ku saabsan ayaa daliil inoogu filan dantoodu in aanay carabi iyo carabnimo ka sokayn kana shishayn.

Kuwa ingiriisida ku waashay iyagu sida kuwaa hore uma indho adka oo haddii qaladkooda loo tilmaamo ma difaacaan.

Markii uu Ingiriisku innaga iyo dunida kaleba cilmi iyo farsamo horumarsan inagu qabsaday, wax dabiici ah ayey ahayd in uu saamayn weyn inagu yeesho, siiba luqadda. Sidaas oo ay tahay haddana wuxuu inagu yeeshay saamayn aad uga yar ta uu bulshooyin kale ku yeeshay. Sababtu waa af soomaaliga oo xoog iyo hodantinimo badan lahaa, isla markaa ahaa afka keliya ee ina mideeya (haddii aan lahjadaha koonfurta qaarkood af gooni ah lagu sheegin). Taa waxaynu kaga duwanayn bulshooyin kale oo afaf yaryar oo badan ku kala hadli jirey kuwaas oo markii ay dawladoobeen ku khasbanaaday in ay afka isticmaarka isku fahmaan.

Waxaase jirey laba dhinac oo ay afafka shisheeyuhu inaga soo galeen. Mid waa dadkii waqtigii gumeysiga wax bartay oo si ay mustawahooda ijtimaaci kor ugu qaadaan afkii ay wax ku soo barteen ku hadaaqi jirey. Kuwaasi xeeshaa liidata kuma ay liibaanin oo si ba’an ayey bulsho weyntu ugu qososhay, waana tii loogu heesay:

  • Af qalaad aqoontu miyaa?
  • Maya, ee waa intuu qofka Eebbe geshaa!

Dhinac kale oo uu afka gaaladu inaga soo galay waa ereyo looga maarmi waayey maamulkii iyo noloshii casriga ahaa ee iyaga laga dhaxlay. Dugsiyada, xafiisyada iyo qalabkii inagu cusbaa badankooda ereyo ingiriisi, talyaani, faransiis ama carabi ah ayaa loo adeegsadey. Weliba taasi waxaa ay u sii darnayd intii aan qorista af soomaaliga iyo ereybixinta la bilaabin. Ereyada ingiriisida inaga soo raacay waxaa ka mid ah: xafiis (office), teeb (type), buug (book), Eerboodh (airport), looyar (lawyer), barafasoor (professor), boolis, bilays (police) i w m.

Laga soo bilaabo sannadkii 1972 af soomaaligu wuxuu noqday af xaddaaradeed, ka dib markii la qoray ee wax lagu bartay waxna lagu qoray, isla markaa si firfircoon ereybixin loogu sameeyey. Taasi waxay ka soo yar saartay dayacii iyo darxumadii uu weligii qabey, waxayna dabaqabasho u noqotay suugaantii iyo waayo-aragnimadii lumi jirey. Laakiin ma ay joojin weerarkii ba’naa ee debedda kaga imanayey. Tayoxumo aad u weyn oo dadkii waxbarashada af soomaaliga ku qalinjebiyey laga arkay ayaa dhiirri gelisay in ay kuwa afafka kale wax ku bartay ismuujiyaan. Waxaa kale oo soo baxay wadaaddo kuwii hore ka duwan oo ay carabida iyo diintu isku mid u yihiin. Gaar ahaan labadaas xaaladood oo waxyaalo kale ku tiirsan ayaa af soomaaliga, awelba nuglaa, weerarka debedda u sii nugleeyey.

Ereyada iyada oo aan laga fiirsan afkeenna iyo dhaqankeenna la falgalay waxaa ugu caansan ”land”. Sida la wada yaqaan ereygu waa magac af yurub ah oo macnihiisu yahay dhul ama dal. Markaa ayey inoo bixiyeen ”British Somaliland”, ”Italian Somaliland” iyo ”French Somaliland”. Innaguna sidii ilmo afbarad ah ayeynu kaga daba dhawaaqnay.

Fahmodarrada sidaas ah ayaa u sabab ahayd in sannadkii 1991, markii lagu dhawaaqay gooni isu taagga ”Somaliland”, dhulkaas lagu soo celiyo magacii gumaysigu ula baxay. Ma garan karno sabab macno leh oo kelliftey in magacaa lala baxo, waayo in uu af qalaad yahay ka sokow ma leh macne dhul iyo bulsho soomalida kale ka gooni ah. Dhul soomaalida kale ka gooni ah wuxuu ku xaddidmi lahaa oo keliya haddii lala baxo ”British Somaliland”. Dabcan waxay noqon lahayd magacaabid taa hore ka sii liidata. Haddii ay in wax la kala qaybiyo noqotay meesha waxaa ku habboonaa ”Waqooyiga Soomaaliya”, kaas oo ugu yaraan xaddidaya degaan ama jiho gaar ah oo ka mid ah dhulka ay soomaalidu degto.

Laakiin waxaaba la arkay mid tii hore ka daran. Qayb kale oo Soomaaliya ah ayaa loo bixiyey ”Puntland”. Magacani qaldanaanta iyo qalaadnimada kii hore kama duwana, waxaase dheeraad u sii ah laba dhibaato. Marka hore xarafka P dhawaaqa af soomaaliga kumaba jiro, dabadeed waxaad maqlaysaa iyada oo loogu dhawaaqayo B, “Buntlaand”. Markaa carruurta dugsiga dhigata ma waxaa lagu karsbaashaa barashada dhawaaqa xarafka P ee aan afkooda hooyo ku jirin carrabkooduna karayn?

Cilladda kale ee magacan ku jirtaa waa ereyga “bunt” oo aan wadan magacii ay faraacinadu dhul ama dal u yaqaanneen, kaas oo aanan qudhaydu aqoon. Magaca “land” ee lagu suuxay waa tarjumidda afka saancadka. Tusaale ahaan carabtu magacaa waxay u tarjumatey “Bilaad Bunt”, ummad walibana sida uu ereyga “dhul” afkeeda ku yahay oo ay raacisay “bunt”. Markaa innaga oo ah cidda uu magacu tooska u khuseeyo maxaynu ugu khasban nahay in aynu u qaadanno sida ay reer yurub u tarjunteen?

Labada magac intaa waxaa u dheer iyada oo magaca “land” iyo ka la socda shaqalkooda dheer la gaabiyo, taas oo ingiriisida lagaga dayday. Haddii af soomaali lagu qoro waxay noqonayaan “Soomaalilaand” iyo “Buntlaand”.

Sida aynu maanta af ingiriisida ugu dullownay lagama sheekayn karo. Warfaafinta ayeynu taa uga dhigan karnaa muraayad aynu isku daawanno. Bal u fiirso bogagga Inter Net-ka badankooda. Waxa ku qoran boqolkiiba imisa ayaa ingiriisi ah? Meel 100% loogu talogalay akhriste soomaali ah maxaa af kale ka galay? Boggii awelba shisheeye loo qorsheeyey isagu dhaleecadan ha ka ceeb la’aado.

Warfaafinta maanta waxaa diyaariya ama tifotira dad badankooda af soomaaliga iyo adeegsigiisa dhibaato ka haysato. Taa waxaa badankooda u dheer aqoon yari ku saabsan cilmiga saxaafadda ee ay faraha kula jiraan. Tusaale ahaan dhammaan magacyada bilaha waxaa si aan dareen lahayn loogu qoraa af ingiriisi: April, June, Augost, September, October, November, December…! Magacyada bilaha ee aynu ku dhaqannaa in ay af yurub ka yimaadeen macnaheedu ma aha in aynu sidooda u qorno, ee waa in ay xarfaha iyo higgaadda af soomaaligu ina hagaan. Magacyadaasi sidan ayey soomaali ku yihiin: abril, juun, ogost, sebtembar, oktoobar, nofembar, disembar...

Qaladdaadka luqadeed ee aan xadka lehayn waxaa ka mid ah magacyo badan oo soomaali ah iyo guud ahaan dalalka dunida oo af qalaad lagu qoro. Bal arrimahan u fiirso: Aden (Aadan), Abdullahi (Cabdullaahi), Hargeisa (Hargeysa), Mogadishu (Muqdisho), Djibouti (Jabbuuti), Ethiopia (Itoobbiya), Germany (Jarmal), Japan (Jabbaan), China (Shiine) Europe (Yurub)...

Wargeys daabacan oo maanta af soomaali ku soo baxa, inta aan anigu og ahay, waxaa ugu af dheer Jamhuuriya, kaas oo ka soo baxa Hargeysa. Isagana af ingiriisida iyo soomaaliga ku qorani aad uma kala badna. Fikradaha iyo macluumaadka uu akhristaha u soo gudbiyaa kama duwana waxii lagu qori jirey Xiddigta Oktoobar. Kala duwanaanta keli ahi waa kii hore oo si buuxda gacanta xukuumadda ugu jirey iyo Jamhuuriya oo ka madax bannaan. Laakiin haddana xorriyadda feker ee uu isagu isa siiyey ayaa aad u xaddidan. Tabtii Xiddigta Oktoobar ayuu Jamhuuriya garashada akhristaha liidaa oo hafraa. Tabtii Xiddigta Oktoobar ayuu filashada akhristaha ka sokeeyaa ama ka weecsan yahay. Magaca wargeyska ee aan sidiisaba soomaaliga ahayn ayaa quus inoogu filan.

Marka horumarka ama dibudhaca af soomaaliga laga hadlayo, in ”af soomaali” uun la iska yidhaahdo ma aha, ee waxaa khasab ah in laga eego dhinacyo kala duwan, gaar ahaan saddexda dhinac ee kala ah: hadalka, qoraalka iyo halabuurka (halabuur halkan waxaan ka wadaa oo keliya suugaanta la curiyey laakiin aan daabacnayn). Waxaa kale oo waajib ah in loo kuurgalo kala duwanaanta gobollada iyo ururrada bulshada, taas oo fududaynaysa helista sababaha horumarka ama dibudhaca.

Waxaynu soo aragnay ururrada bulshada in ay wadaaddadu af soomaaliga ugu liitaan oo si daran af carbeedka ugu jabeen. Waxaynu kale oo argnay in ay jiraan qolyo ingiriisida wax ku bartay oo taa iskula weyn af soomaaligana ku yasa. Haddaba bal aynu arrinta degaan u eegno, oo soomaalida u qaybinno shanta qaybood ee loo qaybiyo, una fiirsanno sida uu af soomaaligu maanta meelahaas ku kala yahay. Taana aynu ku miisaanno saddexdii dhinac ee kala ahaa: hadalka, halabuurka iyo qoraalka.

Aniga oo aqoontayda iyo waayo-aragnimadayda shakhsiga ah kaashanaya waxaan ku dhiirran karaa mas’aladaas natiijadeeda in aan ku soo ururiyo sidan hoos ku qeexan, aniga oo saddexda qodob mid walba siinaya dhibco togan oo u dhexeeya eber ilaa shan. Waxaanan hubaa qiyaastani in aanay xaqiiqada ka durugsanayn.

  Hadal halabuur qoraal isugeyn
Koonfur 4 4 5 13
Waqooyi 5 4 3 12
Galbeed 5 4 1 10
Jabbuuti 2 3 0 5
NFD 2 1 0 3

Haddii aynu si gaar ah ugu sii dhabbogalno labada qaybood ee duruuf ahaan ilaalinta iyo horumarinta af soomaaliga maanta u xilsaaran, waqooyi iyo koonfur, waxaa inoo soo baxaysa natiijo ay koonfurtu guusha ku helayso. Taasi waxay lid ku tahay dabcigii bulshada soomaalida lagu yaqaanney ee ahaa wax kasta oo af soomaaliga iyo fankiisa ah in ay bulshada waqooyigu hormuud ka ahaato. Tusaale ahaan maanta waxgaradka koonfureed badankoodu fekerkooda waa ay ku soo gudbin karaan qoraal soomaali ah, laakiin kuwa la siman ee waqooyiga in yar ayaa taa samayn karta. Xasuusqorka aayaha leh ee Xuseen Cali Ducaale, Jaamac Maxamed Qaalib iyo Maxamed Siciid Gees, oo saddexduba soo bandhigay waayo-aragnimadooda siyaasadeed, dhammaantood ingiriisi ayey taa la magansadeen. Waxay tusaale u tahay sida ay waxgaradka gobolkaasi adeegsiga afkooda ugu fashilmeen. Dadka gobolkaas ku dhaqan buugga af ingiriisida ku qoran ayaa weli uga qiimo sarreeya ka soomaaliga ah.

Ku kala horraynta waqooyi iyo koonfur ee qoraalka af soomaaliga sababteeda waxaynu u aanayn karnaa:

1) Marxaladdii uu qoraalka af soomaaligu xoogaysanayey waxaa xarun u ahayd Muqdisho (koonfur), waana xilligii ay wax waliba halkaa ku koobnaayeen.

2) Madbacaddii keli ahayd waxay taalley Xamar, sidaas darteed wargeysyadii tirada iyo tayada yaraa iyo qoraalladii kale halkaas ayey ku egaayeen ama ka iman jireen.

3) Labadaa sababood dartood Xamar waxaa ka dhalatay firfircooni qoris iyo akhris ah, taas oo dabadeed gobolba ka uu Banaadir uga dhow yahay saamaysay.

4) Tobankii sano ee midnimada ugu dambeeyey waqooyiga waxaa lagu hayey cadaadis xoog leh, siiba dhinaca fekerka. Dabadeed bulshadaasi waxay nacday wax kasta oo dawladda iyo koonfur ka imanayey, sida dugsiyada, buugaagta iyo warbaahinta. Taas raadkeeda waxyeello ilaa maanta si aad ah ayuu u muuqdaa.

Dhaqan xaddaaradeed kastaa gobolka uu ka soo baxo muddo dheer ayey gobollada kale oo dhami higsadaan. Muusigga iyo masraxa (ruwaayadda) ee kontonaadkii qarnigii tegey waqooyiga sida weyn uga hanoqaaday waxay keentay in ilaa maanta taa lagaga daydo. Waxay kale oo keentay in ay dadkaasi wax kasta oo muusig iyo ruwaayad ku saabsan u niyadsamaadaan, isla marka ay buugga iyo wargeyska soomaaliga ah ka sharsanayaan dulmigii Xiddigta Oktoobar iyo Tusaalooyinka Madaxweynaha. Taas waxaa la mid ah sida ay reer koonfurku maanta qoraalka iyo akhriska ugu jajaban yihiin, isla markaana badankoodu maansada u arkaan “dhaqan baadiye”.

Legdanka af soomaaliga iyo afafka qalaad marka ay noqoto reer jabbuuti waxay gelayaan kaalin liidata. Waa dad soddon sano ku dhowaad dawlad ahaa, haddana aan wargeys keliya afkooda ku soo saarin, buugna hadalkiiba daa. Waa dad iyaga oo af, dhaqan iyo taariikh leh isku xukumay in ay intaba Faransiis magan iyo marti ugu noqdaan. Ugu yaraan dhawr iyo tobankii sano ee ay soomaalida kale burbursanayd gobolkaasi wuxuu helay fursad qowmiyadeed oo uu afka iyo dhaqanka door weyn ku yeelan kari lahaa. In kasta oo la moodo in uu Ismaaciil Cumar Geelle soomaalinnimada uga wacyi roon yahay odaygii uu talada ka dhaxlay, Xasan Guuleed Abtidoon, haddana waxa keliya ee uu taas u qabtay waa in uu mar soomaali badan dalkiisa ku shiriyey. Taasna adeerkiiba waa uu sameeyey sannadkii 1991. Haddii aanu jiri lahayn iftiinka yar ee fanka iyo maansada ah gobolkaasi wuxuu noqon lahaa xabaal madow.

Qolada kale ee dhawrista afkeeda ku guuldarraysatay waa bulshada Kiiniya laga xukumo. Waa arrin yaab leh in aanay bulshadaasi qoraal iyo maanso toona afkeeda wax muuqda ku soo biirin. Ma aan arag mana maqal, wargeys iyo buug toona, qoraal soomaali ah oo reer kiiniya ku abtirsada. Sidaas oo kale lama sheegin wax dadaal ah oo ay dadkaasi u sameeyeen in ay carruurtooda afkooda dugsiyada ku barato.

Reer jabbuuti iyo reer kiiniya waxaa ka duwan reer soomaaligalbeed oo leh awood af, suugaan, dhaqan iyo ku faanid dhalasho. Xataa haddii ay qowmiyad kale dusha ka haysato waa bulsho leh firfircooni dhaqan oo madax bannaan, joogtana ugu xidhan soomaalida kale.

Ugu dambayn aan ina xasuusiyo afka faransiisku in uu ka mid yahay kuwa dunida ugu tiirar adag. Waa kii qarnigii 18-aad shiday dabka ilayska iyo diirrimaadka badan ee reer galbeedka weli u baxaya, kaas oo ay waxgarad faransiis ahi huriyeen loona bixiyey Ifin (Enlightenment). Afkaa waxaa ku qoran qayb aad u weyn oo ka mid ah ilbaxnimada iyo waayo-aragnimada aadamiga, waxaa ku hadla boqollaal milyan oo dad ah, wuxuuna leh yahay dawlad iyo hay’ado xoog leh oo ilaaliya. Sidaas oo ay tahay dhawr sano hortood waxaa dalkaa laga soo saaray sharci xaarantimaynaya in uu mas’uul faransiis ahi afkiisa erey ingiriisi ah ku daro isaga oo mid faransiis ah heli kara. Dadkaasi waxay sidaas u yeeleen in ay wacyi u leh yihiin afku in uu yahay wax lumi kara ama nasakhmi kara.

Inteenna ay diinta iyo af carbeedku iskaga qaldan yihiin waxaan ku baraarujin lahaa: Af soomaaligu waa afkii Ilaahay, wuuna yaqaan oo jecel yahay, si la mid ah sida uu carabida u yaqaan una jecel yahay. Xikmadda uu abuuristiisa ka lahaana waxay la qiimo tahay tii uu abuurista carabida ka lahaa. Haddii la lumiyana waxaa meel lagaga dhacay xikmadda Eebbe.

Ibraahin Yuusuf Axmed
Hawd99@hotmail.com

 QORAALADII HORE EE IBRAAHIN YUUSUF

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 5, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Warqad Furan oo ku Socota Abwaan Hadraawi iyo inta gabayda!!!... GUJI

Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Af-qalaad Aqoontu Miyaa?

Maxaa keenay in dadka Soomaaliyeed ay afkoodii hooyo ka door-bidaan afaf qalaad?

Hordhac

Qormadan aan ku magacownay Af-qalaad aqoonta miyaa? Waxa kalifay in aan qorno, kadib markii aan aragnay xaaladda khatarta ah ee uu kusugan yahay afkeennii hooyo. Kaas oo la dhihi karo diinta oo ay Soomaalidu 100% muslim tahay ka sokoow, waa xididka ugu muhiimsan ee maanta isku haya guud ahaan Soomaali weyn meel kasta oo ay joogto, Maadaama arrimihii kale ee ummadda isku hayey ay dhibaatooyin ka taagan yihiin; sida calankii,dhaqankii, dhulkii iyo wada dhalashadiiba.

Soomaaliya waxa ay nasiib u yeelatay in ay kamid noqoto saddexda wadan ee qaaradda Afrika looga hadlo halka luqad, iyada oo labada kalana ay yihiin Swaziland iyo Lesotho oo ah waddamo aad u yar yar. Bal akhristow u fiirso nimcada Ilaahey nasiiyey ee aan laga faa’iidaysanayn. Wadanka aan dariska nahay ee Itoobiya, waxaa looga hadlaa in kabadan 70 luqadood oo leh 200 oo lahjadood. Hadaba qormadan haddii Alle idmo waxaan rabnaa in aan ku eegno su'aalo ay udub dhexaad u tahay: maxaa keenay dadka soomaaliyeed oo Ilaaheey nimcadaas ku galadaystay uuna siiyey hal af, ay maanta kuwada xiriiraan luqado qalaad?

Quursiga iyo ku qanacsanaan la'aanta Af- Soomaaliga

Haddii aad u fiirsatid inta badan Soomaalida qurbe-joogta ah, mar mar waxaad isweydiinaysaa goorma ayay qasab noqotay in lagu wada xiriiro afaf qalaad ; sida kala qorashada telefoonada, cinwaanada iyo wixii lamid ah. Waxaa suurto gal ah in aan inteenna badan aragno laba qof oo soomaali ah oo ku xiiqsan ineey isku yeeriyaan lambar telefoon oo ka kooban toban lambar ama ka yar, maaddaama labadooda midkood ay ku adagtahay luqadda wax leysugu yeerinayo, iyadoo lagaba yaabo in tobankaa lambar lagu kala sheego dhowr luqadood oo kala duwan sida ( oow, two, sei, acht …..iwm.).taasoo laga yaabo in waqti dheer uga dhumo,oo haddana waliba ay suurto gal tahay in wixii leysku yeerinayay qalad loo kala qorto. Hadaba walaalayaal miyeysan ahayn wax lays weydiiyo, maxaa na geliyay dhibaato aan alle nabadin? Oo keenay inaan quursanno kuna qanci weyno afkeenna qaaliga ah!!.

Arinta kale oo aad layaabka u lehi waxa ay tahay, in qoraalada lagu soo bandhigayo bogagga ay Soomaalidu ku leeyihiin shabakadaha internetka badankoodu ay ku qoranyihiin luqadaha qalaad sida Ingiriisiga. Waa macquul in qoraaladda qaar loogu talo galay dad aan Soomaali ahayn. Waxase aan kahadlaynaa waa qoraallo aad arkaysid in loogu tala galay dadka Soomaaliyeed ,isla markaana lagu qorayo af ajnabi. Qormooyinkaas qaarkood malaha wax nuxur ah, waxaana intaa usii dheer dhaliil luqadeed.

Waxa kale oo jira in dhalinyarada ku kortay qurbaha ay inta badan iskula xiriiraan luqadaha wadamada ay joogaan iyaga oo aan danaynayn luqaddoodii asalka ahayd. Waxaana wax laga naxo ah in waalidiinta qaar ayba arrintaas ku faraxsanyihiin oo ayba ku faanayaan in aan caruurtoodu Af-Soomaaligaba fahmin, laakiin ay ku gabyaan luqadaha qalaad, CAJIIB!!.

Dadka luqadaha kale wax ku soo bartay ayaa iyaguna ku tacaddiya luqadda Soomaaliga,waxaadna arkaysaa marar badan iyada oo aysan hadaladooda lasocon karin dad aan aqoon ulahayn luqadaha qalaad oo ay isticmaalayaan. Lama inkiri karo in ay jiraan erayo-cilmiyeed badan oo aan weli la Soomaaliyeyn, laakiin ma ahan in 'off course, allora, iyo Maca-daalika, iwm laga dhamaan waayo.

Waxaa kale oo in laxuso mudan shirar badan oo weliba lagu magacaabo shirarka aqoonyahannada, kuwaasoo aad arkayso in la dafirayo af-soomaaligii laguna daadihinayo luqado qalaad. Shir dadka jooga ay 99% Soomaali yihiin ayaa waxaa dhacda in luqadda shirku ku socdo ay noqoto mid qalaad. Waa la yaabe, ma 1% ka ajnabiga ah ayaa lagu qadarinayaa arintaas, mise ku hadalka afka qalaad ayaaba, ammaan, iyo ilbaxnimo loo haystaa?

Heerka ay gaartay xaqiraadda uusan mudneyn ee la xaqirayo af-soomaaliga waxaad si dhab ah uga arki kartaa dhaqanka qaabka daran oo ay la yimaadeen siyaasiyiin isku sheegga maanta Soomaalida horkaca. Bal u fiirso qoraaladda ka waramaya qorshahooda waxqabad ee ay soo bandhigeen kuwa isku sharaxaya hogaanka wadanka dhammaantood, imisa ayaa ku qoran af-soomaali? Imisa ayaase ku qoran af ingiriis? Waxaa lays weydiin karaa qoraaladani ma barnaamij loogu tala galay dadka Soomaaliyeed ineey aqristaan oo ay fahmaan si ay wax ugu qiimeeyaan baa, Mise waa lifaaq lasocda arji ku socda qoom iyo qaarado kale?!.

Maxaa keenay in aan qiimeyno luqadaha qalaad?

Sida aan ognahay waqtigii gumaysiga waxaa wadanka arimihiisa oo dhan mas'uul ka ahaa dowladihii yurub ee na haystay. Waqtigaas si qofku shaqo uga helo dowladda waxa uu ku qasnabaa in uu ku hadlo luqadda gumaystaha. Gumaystayaashuna waxa ay shaqooyinka yar yar ku aamini jireen Soomaalida luqadooda taqaanna. Taas oo aqoontiiba ka dhigtay ku hadalka luqaddii gumaystayaasha. Markii uu gumaysigu tagayna waxaa wadanka jagooyinkiisii dhaxal u helay dadkii luqadaha ajnabiga ah bartay. Marka la eego aqoonta kale waxaa xusid mudan in 1960kii Soomaalida aqoontoodu ay gaarsiisantahay heer jaamacadeed oo xitaa lagu daray ardadii jaamacadaha dhiganayay ay guud ahaan tiradoodu ahayd 27 qofood.

In kasta oo xukunkii milatarigu uu hirgaliyey qorista iyo akhriska Af-soomaaliga ayna soo baxday halhayskii caanka noqday ee " afkii qalaad hamoodin carrabku qaldi maayee sidii caanaha qurquriyaay”, haddana arintaasi ma hakin qiimayntii xad dhaafka ahayd ee ay dadka Soomaaliyeed u hayeen luqdaha qalaad. Taasna waxaa ka qayb qaatay maamul xumadii xukunkii milaratiga oo isaguna markiisa jagooyinkii muhiimka ahaa inta badan u dhiibay dad u daacad ah oo aan aqoontoodu dhaafsiisnayn qoridda iyo akhrinta Af-soomaaliga. Waxaana arrintaa ka marag kacaya hal ku dhaggii hirgalay ee "jaahil kacaan ah ayaa ka mudan jaamici kacaan diid ah". Xaalkii wuxuu noqday "ka dar oo dibi dhal"Arintaas iyo kuwo kalena waxay keeneen, in dadkii ayba lasii colloobaan luqaddoodii, qaar badanna ay la noqotayba in caddaalad darrada iyo horumar la'aantii jirtay uuba Af-soomaaligu masuul ka ahaa.

Bur burkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa ay dhalisay taag darro ku sii timaadda isticmaalkii Af-soomaaliga. Waxaa meeshii ka baxay manhajkii dhexe ee waxbarashada Soomaalida oo kaalin weyn uga jiray kobcinta Afsoomaaliga sida horumarinta eray-cilmiyeedyada iwm. Waxa kale oo iyaduna meesha ka baxday luqad xirfadeedkii iyo tii maamul ee dowladda.

Horraantii sagaashameeyadii, markii ay hay'adihii ajnabigu gargaarka iyo shaqooyinka u aadeen Soomaaliya, ayaa waxaa badatay baahidii iyo isticmaalkii afafka qalaad, waxaana cirka isku sii shareeray qiimahoodii. Waxaa kale oo door lixaad leh ka qaatay tabardarrada ku timid afkii soomaaliga, qixii ay dad u badan dhallinyaro oo soomaali ahi qurbaha ku yimaadeen. Taas oo lagama maarmaan ka dhigtay, in dadkaasi ay aad isugu howlaan barshada afafkii waddamada ay u qaxeen si ay ula qabsadaan nolosha cusub ee la soo deristay.

Dhibaatooyinka ka dhalankara Af-soomaaliga oo dhuma

Waxaa muuqata khatar weyn oo ka imaan karta dayicidda Af-soomaaliga, oo ay ugu horeyso in uu meesha ka baxo xiriir aad iyo aad muhiim u ahaa oo aan ku tilmaami karno xidid xooggan oo isku haya ummadda Soomaaliweyn. Waxaa muuqata inuu meesha ka baxayo xiriirka ehelada iyo isgarabsigii qaraabannimo. Waxaanan la wada soconnaa in loo kala turjumo caruur walaalo ah oo kala joogta labo qaaradood. Waxaa sidoo kale dhacda in waalid iyo carruurtiisii ay is fahmi waayaan oo ay dani qasabto in loo kala turjumo. Bal waa yaabe maxay isku yihiin dad iyagiiba loo kala afcelinayo?!.

Halis aan la fududeysan karin ayaa iyaduna ka soo muuqata, xiriirka sii kala fogaanaya ee ummadda iyo qaar aqoonyahannadeedii mustaqbalka ka mid ah. Maxaan ku timaami karnaa xaalka dhaqtar soomaaliyeed oo aan waxba ka fahmeeyn cabashada bukaankiisii soomaaliga ahaa! ama injineer soomaaliyeed oo shaqaalihiisa weydiinaya waa maxay shub, tiir, darbi iwm.

Dad badan oo aqoontoodu wax tar yeelan lahayd oo iska dhaadhiciya in aanay waxba qaban karin maadaama ayna luqadaha ajbaniga ku hadlin iwm. Halkaasna waxaa ka dhasha barabixin lagu sameeyo aqoon badan oo loo baahnaa.

Muhimadda Ilaalinta luuqadda hooyo

Waa arin aad u muhiim ah in la ogaado qiimaha ay dadka u leedahay luqadooda oo ah sharaftooda iyo jiritaankooda . Dadka Soomaaliyeed oo intooda badan cel celis ahaan jooga qurbaha 7 illaa 9 sano, ayaa waxaa wax laga naxo ah in uu si xowli ah uga sii tirtirmayo afkoodii iyo dhaqankoodiiba, iyada oo ay dadyowga qaarkood oo ku noolaa qurbaha gaar ahaan wadamada reer galbeedka in kabadan 50 sano ay weli si wanaagsan u dhowrtaan luqadooda, dhaqankooda, diintooda iyo jiritaankoodaba.

Dowladaha horay u maray ama ay hogaamiyaan dadka wax garadka ah waxaa lagu dadaalaa in la adkeeyo hirgalinta luqadda, xitaa waxa ay ku bixiyaan kharash iyo shaqo badan sidii luqadooda kor loogu qaadi lahaa. Bal aan fiirinno dadaalka ay u galaan adkaynta luqadooda wadamada ku bahoobay midowga Yurub. Golaha baarlamaanka Yurub waxa uu hadda kakoobanyahay 626 qof, taas oo lafilayo in ay noqoto illaa 732 marka ay kusoo biiraan wadamada cusub sanadka foodda inagusoo haya ee 2004ta. Waxaa xusid mudan in kulamada baarlamaanka, xubin kasta loo ogolyahay in ay ku hadasho luuqadeeda. Xubnahaas oo ka kala yimid wadamo kala duwan. Wadan walba waxa uu ku adkeystay in uu luuqaddiisa ku hadlo, hadalkaas oo isla markiiba la turjumayo . Turjumaadaas hadalka waxaa sii dheer kan qoraaladda ay xubnuhu soo gudbiyaan oo dhan. waxaana halkaas ku baxa lacago aad u farabadan oo gaaraya malaayiin doolar sanadkiiba. Xubnahaas baarlamaanka ku jira waxa ay u badan yihiin dad ku hadla luqadaha ay ka midka yihiin Ingiriiska iyo faransiiska iwm, kuwaas oo ay si fudud isugu af garankaraan. Laakiin waxa ay doorteen in xubin kasta ku hadasho luqadeeda, taas oo noo cadaynaysa sida dunida horay u martay ay u danaynayaan uguna dadaalayaan jiritaanka luqadooda asalka ah, tasoo ah dhaxalka ugu muhiimsan oo ay u dhaafayaan dhallaankooda.

Talo soo jeedin

inkastoo aad laysugu waafaqsanyahay faa'idooyinka barshada luqadaha qalaad , hadana taas macnaheedu marnaba ma noqoneyso in la illoobo oo daaqadda laga tuuro afkii hooyo. Si aan hadaba u wada ilaashanno nimacada ilaah noogu deeqay ee aan nasiibka u helnay, waxaan guud ahaan ummadda soomaaliweyn gaar ahaan kuwooda qurba joogta ah u soo jeedineynaa talooyinka soo socda:

1. Waa in waaliddiintu ay xil weyn iska saaraan carruurtooda kuna ababiyaan jacaylka iyo barashada afka soomaaliga. Inta badan waxaa la arkay in caruurta lumisa luqaddoodu ay ka fogaadaan diintooda iyo dhaqankoodaba . Cilmi baarisyo lasameeyey ayaa waxaa ka cadaatay in caruurta luqadooda sida fiican u barata ay u fududaanayso barashada tan ajnabiga wadanka ay markaas kunool yihiin.

2. Waa in aan ogaanno in ku faanka isticmaalka luqad qalaad aysan noo kordhineyn wax darajo ah haba yaraatee. Waxaana noo qurux badan in aan si raaxo leh u isticmaalno afkeenna hooyo.

3. Waa inaan markasta ka foojignaanaa in aan qof Soomaali ah kula hadalno af qalaad sabab la'aan. Waana lagama maarmaan inaan ka qeyb qaadanno hirgelinta luqaddeenna, kana fogaanno wiiqiddiisa si toos ah iyo si dadbanba.

4. Waa in aan oggaanno farqiga u dhaxeeya luqadda iyo cilmiga; luqaddu waxay ka mid tahay cilmiyada la barto, laakiin cilmi oo dhammi ma aha luqad. Hadaba waxaa habboon in qof kasta lagu qiimeeyo heerkiisa garasho iyo aqooneed.

5. Waxaa naga talo ah in dadka sameeya qoraalada ama abaabula shirarka loogu tala galay dadka soomaalida ah, ay isticmaalaan afka soomaaliga oo ah kan ay ugu fahmi ogyihiin, haddii aysan jirin sababo maangal ah oo qasab ka dhigaya in dadka wax loogu sheego af qalaad.

----------------------------------------------------------------------------

Waxaa diyaariyay:

Axmed Cali M.Khayre, iyo
Aakhayre@hotmail.com

Maxamed Cali Cibaar
Mohamed_ebar@hotmail.com

ط·آ§ط¸â€ ط·آ§ط·آ§ط·آ­ط·آ¨ط¸ئ’